Arday Soomaali ah laga soo sii daayey dalka Ukraine

Image
Ardayda Soomaalida ayaa isugu jiray kuwo baranayay heerarka jaamacadda ee 1-aad, 2-aad iyo PhD.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniinti shalay aheyd sheegtay in lasii daayay ilaa 348 arday oo Soomaali ah kuwaas oo ku go’doonsanaa dalka Ukraine.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ardaydan ay barakac ku ahaayeen gudaha Ukraine iyo xuduudahiisa, iyadoo ay ku jireen qaar aanan heysan warqadaha aqoonsiga.

Wasaaradda waxa ay sidoo kale sheegtay iney fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii Wasaaradda ay diiwaan galisay kuliyadaha ay danaynayeen, ayagoo halkaas kasii wadan doonaan waxbarashadooda heerka sare.

Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku boorrisay ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine ay iska diiwaangeliyaan iyagoo buuxinaya foom ay u soo dirtay wasaarada oo bogogeeda laga heli karo.

Jaamacadaha dalka ay colaaduhu ka socdaan ee Ukraine ayaa waxaa wax ku baranayay boqollaal arday Soomaali ah, kuwaas oo hadda u qaxay dalalka deriska ah ee Yurub.

Ardayda Soomaalida ayaa isugu jiray kuwo baranayay heerarka jaamacadda ee 1-aad, 2-aad iyo PhD.

Dalka Ukraine ayaa ku jira xaalad dagaal kaddib marki uu dhamaadki bishi Febraayo uu duullaan millatari ku qaaday waddanka deriska la ah ee Ruushka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Ukraine ay ku dhinteen in ka badan 2,500 oo rayid ah iyo kumanaan ka mid ah dhinacyada dirirtu ka dhaxeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM