AS oo ka faa’ideysanaysa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Image

QAAHIRA - Saraakiisha sar sare ee Mareykanka ayaa ka digay colaada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan marin biyoodka Badda Cas oo Muqdisho ku mashquulsaneyd sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay, kadib heshiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ee Addis Ababa ka dhacay.

Itoobiya ayaa heshiis la gashay Somaliland haddii uu hirgalo waxay heli doontaa 20 KM oo badda cas ah oo ay ka dhisato saldhig iyo deked, iyadoo Abiy Axmed u aqoonsan doono maamulka Muuse Biixi dal madax-bannaan.

Talaabadan ayaa sida muuqata ka caraysiisay Soomaaliya oo ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudbayso madax-banaanida dhuleed iyo madax-banaanideeda qaranimo. Sidaas darteed, Soomaaliya waxay heshiis milateri la gashay Masar bishii August 2024, taasoo sii xumaynaysa xiisadda Geeska Afrika.

Waxayna saraakiisha Maraykanka iyo xulafadooda reer galbeedka ka walaacsan yihiin in Soomaaliya ay aad ugu mashquushay khilaafka Itoobiya oo ay u ogolaatay Al-Shabaab inay dib u soo ceshato dhulkii laga saaray.

Laba sano gudahood, horumar la taaban karo ayaa laga diiwaan geliyey gobollada dhexe iyo koonfurta, halkaas oo ay Al-Shabaab ku lumisay saldhigyo kadib hawlgallo ciidan.

Guulaha noocan oo kale ah ayaa hadda halis ugu jira inay soo wajahdo caqabad, ka dib xiisadaha ka soo ifbaxaya gobolka, sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Masar—oo ka careysan biyo xireenka Nile ee Itoobiya —ayaa ku biirtay xulufada Soomaaliya oo Eritrea qeyb ka tahay waxayna bishii hore soo gaarsiisay markab hub ah oo isugu jira madaafiic iyo kuwa lidka taangiyada ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM