AS oo ku dhawaaqday in hogaamiye sare looga dilay duqeyn

Image

KUNYA BARROW - Al-Shabaab ayaa xaqiijisay geerida Maxamed Mire oo ahaa sarkaal muhiim ah oo Mareykanka uu sanadkii 2022-ka u aqoonsaday inuu kamid yahay liiska argagixisada.

Mire oo lagu yaqaanay in uu Al-Shabaab ku dhex lahaa door hoggaamineed ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan agagaarka magaalada Kunyobarow, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxdu ma aysan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhimashadiisa, markalaga reebo inay ku eedeysay Mareykanka. Kuunyobarow waxay qiyaastii 257 km dhanka koonfur-galbeed kaga beegan tahay caasimadda Muqdisho.

Mareykanka ayaa horey u bartilmaameedsaday Mire sababtoo ah doorkii uu ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarada ka dhanka ah bartilmaameedyada gudaha Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah.

Duqeymahan cirka ah oo qeyb ka ah dadaallada lagu burburinayo Al-Shabaab, ma jirto illaa hadda cid sheegatay dilka Maxamed Mire, balse inta badan waxaa howlgallada noocan oo kale ah fuliya Mareykanka oo kaashanaya ciidamada Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hakad ku jiraan howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Xaqiijinta dilka Maxamed Mire waxay keeni kartaa isbedel ku yimaada qaab dhismeedkooda hogaanka Al-Shabaab, maadaama uu ka baxay shaqsi muhiim u ahaa, oo xilal sare soo qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM