Asad Diyaano: Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay

Image
Wasiirka Amniga Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuur galay hannaanka shaqo ee Hoggaanada iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Boliiska, wuxuuna Wasiir halkaas ugu Kala wareejiyey Galka Guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Waxaana si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi

Taliyaha ayaa faray Saraakiisha in ay dardar galiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM