Asad Diyaano: Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay

Image
Wasiirka Amniga Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuur galay hannaanka shaqo ee Hoggaanada iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Boliiska, wuxuuna Wasiir halkaas ugu Kala wareejiyey Galka Guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Waxaana si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi

Taliyaha ayaa faray Saraakiisha in ay dardar galiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM