Askar ajnabi ah oo lagu dilay Gedo [Fahfaahin]

Image

GARBAHAAREY - Fahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa rabashado khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay degaan ku dhow magaaladda Ceel-waaq ee gobolka Gedo, saacadihii lasoo dhaafay.

Rabshadaha ayaa ka dambeeyay markii ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay tuuladda ku toogteen tuuladda Macalin Dugsi Qur'aan iyo Labo kamid ah Ardaydiisa, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Dadka degaanka ayaa magaca macalinka ku sheegay Saadaam Macalim Aways, halka labada arday oo la tilmaamay inay isla dhasheen, lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo Siyaad Ibraahim Xasan.

Lama ogga sababta ka dambeysa inay ciidamadda Naf-gooyaan dadka Rayid ah, laakiin Shacab ka careysan falkaan guracan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamo ka tirsan Kenya, gaara ahaan kuwa Dhagax-qodista ka shaqeeya.

Weerarka oo ay Rayidka u adeegsadeen Faasas ayey wararku tibaaxayaan inay ku dhinteen Saddex kamid ah Askarta Kenyan-ka ah, islamarkaana uu jiro tiro kale oo dhaawacyo uu kasoo gaarey.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, inkasta oo uusan jirin war rasmi ah oo ay dowladda Kenya kasoo saartay falkaan lagu naf-gooyey Askarteeda iyo dhhibaatadda ay geysteen.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan goboladda Jubbaland oo ay ciidamada Kenya joogaan waxay ka geysteen falal ay ku waxyeelaan Shacab, oo isugu jira dil bareer ah, Kufsi iyo tacadiyo kale oo ka dhan ah Bani'aadamka xili dowladda iyo maamulka lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen wax ka qabasheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM