Askar ka tirsan NISA oo ku dhintay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheerad ah ayaa kasoo baxaysa qarax culus oo maanta duhurkii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa haleeshay Gaari nooca Cabdi-Billaha loo yaqaano, oo ay la socdeen Askar katirsan guutada Apha Group ee Hay'add Nabad Sugida Soomaaliya, waxaana halkaasi ku dhintay saddex Askari iyo shacab ah oo wadada maryay.

Goobjooge ku sugan degaanka Weydow, oo ah halka uu qaraxa ka dhacay, ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online khasaaraha dhimashada, isagoo intaasi ku darey in ciidamada NISA ay ka yimaadeen Ballidoogle, kuna soo jeedeen Muqdisho xilliga qaraxa.

Ciidamada ayaa dhowr jiho u furey rasaas kadib qaraxa, taasoo waxyeello gaarsiisay dadkii shacabka ahaa ee goobta ku sugnaa, waxaana daqiiqado kadib soo gaarin Askar kale oo meesha kasoo qaadey meydadka Askartii geeriyootey iyo kuwa dhaawaca ah.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa inta badan ka dhaca qaraxyada noocan ah, ee lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda Soomaaliy iyo kuwa AMISOM, waxaana ka dhasha khasaarooyin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM