Askar ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex askari ayaa ku geeriyootey tirro kelana way ku dhaawacmeen ka gedaal markii kolanyo ay la socdeen lagu qarxiyey degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho, maanta oo Sabti ah.

Dadka degaanka ayaa khadka telafoonka waxay ugu sheegeen warsidaha Garowe Online in askarta dhaawacantay oo ah milatari loola cararay goobaha caafimaadka si noloshooda loo badbaadiyo.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan balse dhacdooynka degaankaasi ka dhaca waxaa aalaaba qaadata mas'uuliyadooda kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Taliska Milatariga Soomaaliya oo si kooban uga hadlay dhacdadan ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada ay baxeen askartaasi.

"Qarax miino oo wadada qarkeeda la dhigay ayuu gaariga ciidamada saarnaayeen dul-maray. Aniga waxaan indhaheyga ku arkay dhimashada saddex askari," ayuu yiri Maadey Axmed Nuur, qof goobjooge ah.

Degaanka Weydow oo dhanka Koonfur Galbeed uga beegan magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca ayaa ku dhow isgoyska Ex-kontarool Afgooye.

Wadada isku xirta gobolada maamulka Koonfur Galbeed iyo caasimada dalka ee Muqdisho ayaa inta badan waxaa lagu beegsadaa ciidamada xooga dalka iyo kuwa gaadiidka gaashaaman wata ee Midowga Afrika.

Taliska AMISOM ayaa qaadey talaabooyin uu kaga hortagayo qaraxyada miinooyinka ah iyo weerarada jid-galka ah balse illaa iyo haatan ma muuqato guulo la taaban karo oo halkaasi laga soo ooyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM