Askar Soomaali ah laguna daray ATMIS oo gaadmo lagu dilay

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda weerarkan qorsheysanaa.

MUQDISHO, Soomaaliya – Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda oo markii hore lagu dhex daray hawlgalka ATMIS ayaa lagu dilay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Gololeey ee duleedka degmada Balcad.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dadka degaanka, ciidamada Burundi ayaa saldhiga baneeyay todobaadkii hore; askartu waxay dareemeen "in laga tagay" waxayna ku biireen askartii isbaarada joogtay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyada falkan ayaa daaha ka rogtay in ay dishay askar badan iyo saraakiil wehlisay. Maleyshiyadda ma aysan soo bandhigin magacyadda saraakiisha ay sheegatay in ay khaarijisay.

Jimcada todobaadkii hore, qarax xooggan uu duhurnimadii ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Dharkiinle ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah.

Qaraxaasi oo dhawaqiisa si weyn looga maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda ayaa wararka waxay intaas ku darayaan in lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Illaa haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey maleyshiyadda argagixisadda ah ee Al-Shabaab.

Qaraxaan wuxuu noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca caasimadda tan iyo markii la doortey madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, oo wali ku mashquulsan dhismaha dowladdiisa rasmiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM