Askar u dhalatay Uganda oo lagu dilay madfac lagu weeraray Xalane

Image
Kooxda AS ee xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa ku dhintay mid saddexaadna waa uu ku dhaawacmay weerar hoobiye ah oo Al-Shabaab ay Axaddii ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin xayndaabka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo saaray Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ahna Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamed El-Amine Souef ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday xarunta loo yaqaano Xerada Xalane.

Waxaa la rumeysan yahay in gantaal 107mm ah loo adeegsaday weerarka. Ugu yaraan afar xabo oo hoobiyaal ah ayaa la sheegay in lagu tuuray intii uu socday weerarka.

"Weerarka bahalnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya inaan raadinno nabad waarta ee Soomaaliya," Souef ayaa ku yiri bayaanka la soo dhigay X, oo hore u ahaan jirtay Twitter. "Waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay uga go'an tahay la dagaalanka argigixisada iyo dhisidda Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah."

War-saxaafadeedka laguma sheegin dalalka ay u dhasheen askarta la dilay, balse sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ayaa u sheegay VOA-da ee Geeska Afrika in askarta la dilay iyo hal askari ee dhaawacmay ay u dhasheen Uganda.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. War qoraal ah oo ay kooxdu soo dhigtay mid ka mid ah mareegaha ay ku leedahay Internetka ayay ku sheegtay in madaafiicda ay ku dileen “sarkaal caddaan iyo madow ah.

Inkastoo sanadkii 2011-kii laga saaray Muqdisho, kooxdan ayaa xilliyada qaar waxa ay u suurtagashay in ay weeraro hoobiyeyaal ah ku garaacaan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saldhig u ah Midowga Afrika iyo sidoo kale qaar ka mid ah safaaradaha shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM