Askar u dhalatay Uganda oo lagu dilay madfac lagu weeraray Xalane

Image
Kooxda AS ee xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa ku dhintay mid saddexaadna waa uu ku dhaawacmay weerar hoobiye ah oo Al-Shabaab ay Axaddii ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin xayndaabka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo saaray Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ahna Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamed El-Amine Souef ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday xarunta loo yaqaano Xerada Xalane.

Waxaa la rumeysan yahay in gantaal 107mm ah loo adeegsaday weerarka. Ugu yaraan afar xabo oo hoobiyaal ah ayaa la sheegay in lagu tuuray intii uu socday weerarka.

"Weerarka bahalnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya inaan raadinno nabad waarta ee Soomaaliya," Souef ayaa ku yiri bayaanka la soo dhigay X, oo hore u ahaan jirtay Twitter. "Waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay uga go'an tahay la dagaalanka argigixisada iyo dhisidda Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah."

War-saxaafadeedka laguma sheegin dalalka ay u dhasheen askarta la dilay, balse sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ayaa u sheegay VOA-da ee Geeska Afrika in askarta la dilay iyo hal askari ee dhaawacmay ay u dhasheen Uganda.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. War qoraal ah oo ay kooxdu soo dhigtay mid ka mid ah mareegaha ay ku leedahay Internetka ayay ku sheegtay in madaafiicda ay ku dileen “sarkaal caddaan iyo madow ah.

Inkastoo sanadkii 2011-kii laga saaray Muqdisho, kooxdan ayaa xilliyada qaar waxa ay u suurtagashay in ay weeraro hoobiyeyaal ah ku garaacaan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saldhig u ah Midowga Afrika iyo sidoo kale qaar ka mid ah safaaradaha shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM