Askari nin u dhashay Kenya ku dilay Boosaaso oo la qabtay

Image

BOOSAASO, Puntland – Ciidamada ammaanka ayaa xabsi u taxaabay askari nin u dhashay waddanka Kenya ku dilay magaaladda Boosaaso, maanta oo Isniin ah.

Taliska Booliska qeybta gobolka Bari ayaa sheegay in khaarijinta ninka ajnabiga ah ay ka dambeysay markii askariga iyo marxuumka uu muran soo kala dhex-galay.

Askariga oo su'aallo waydiin wajahaya ayaa waxaa la tilmaamay in uu ilaalo u ahaa ninka ajnabiga ah kaasoo la sheegay in uu la shaqeynayey shirkad kalluumeysi.

Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha booliska qeybta gobolka Bari, oo dhacdada xaqiijiyey ayaa xusay in askariga uu wajahayo cadaaladda, wallow uusan shaacin magaciisa.

Dhinaca kale, taliyaha oo ka hadlay qarax Miino oo ka dhacay Boosaaso, ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in uu ku dhaawacmay hal askari oo Ciidanka Badda ah.

Qaraxa oo laga soo wariyey xaafadda Xaaji Muuse oo ku dhow dekadda xarunta ganacsiga dowladda Puntland ayaa illaa iyo haatan waxaa nan jirin koox sheegatay.

Dhacdooyinkan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda oo amniga Boosaaso uu mudooyinkii dambe ahaa mid aad u hagaagsan, ayna socdaan howlgalo amni xaqiijin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM