ATMIS oo shacab "ka afduubatay" Shabeellaha Dhexe

Image
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay ATMIS oo la xiriira howlgalkaas iyo dadka lagu soo qabtay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka KMG ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa gobolka Shabeelaha Dhexe ka soo “qafaashay” dad rayid ah ka dib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeem deegaano ka tirsan gobolkaasi oo daba socda weerar Maleeshiyada Al Shabaab ay horaantii bishaan ka fulisay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada ayaa lagu soo warramay in ay ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ay gacanta kusoo dhigeen, iyaga oo ku eedeynaya inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab oo weerarada ugu badan ka fulisa gobolkaan oo  hoosta maamulka Hirshabeelle.

Ilo wareedyo amaan oo ku sugan gobolka ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay dadkan shacabka ah ayaa loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

Lama oga siday ay Ciidamada ATMIS ka yeelayaan dadkan, maadaama la keenay xaruntooda dhexe oo ku taala Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah ehellada ragga lasoo qabtay ayaa fariin u diray dowladda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in loo soo daayo wiilashadooda, iyaga oo iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey.

Qof ka mid ah dadka deegaan oo diiday in aan magaciisa xigano sababo amaan darteed ayaa Garowe Online u sheegay “In ay ka walwalsanyihiin xaalada eheladooda gacanta u galay howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya”.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay ATMIS oo la xiriira howlgalkaas iyo dadka lagu soo qabtay.

Weerarkii CeelBaraf ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta, tan iyo markii howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu bedelay ciidamadii hore ee nabad ilaalinta AMISOM 1-dii April.

Ururka Al-Shabaab oo muddo toban sano ka badan dagaal culus kula jiraan Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegatay mas’uuliyadda, iyadoo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta xeradaas, ayna ku dileen 173-askari.

ATMIS – oo ka kooban ciidamo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda – ayaa loo xilsaaray inay gacan ka geystaan sidii ciidamada Soomaaliya ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda koowaad ee amniga dalka ay colaaduhu hareeyeen tan iyo 1991-kii.

Sida ku cad qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu ansixiyay abuuritaankiisa, ATMIS ayaa la saadaalinayaa in ay si tartiib tartiib ah u dhimi doonto heerarka shaqaalaha ee ku dhow 20,000 oo askar, boolis iyo rayid ah ilaa dhamaadka 2024.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka talinayay ilaa 2011-kii markaasoo ay ka saareen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo milatariga Soomaaliya oo markaas la abuuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM