Aweys Xaaji oo ka hadlay ka-bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhamaaday, ayaa caddeysay in ka bixitaanka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ku yimid heshiis laba geesood ah, uusan ka dhignayn in dhammaan ciidamada Uganda ay dalka isaga baxayaan.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in ciidamada haatan dib loogu celinayo Uganda ay u badan yihiin kuwa ku joogay heshiis gaar ah oo dhexmaray labada dowladood.

Wuxuu xusay in ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ay weli dalka ku sugan yihiin, ayna sii wadaan waajibaadkooda iyagoo la shaqeynaya ciidamada kale ee howlgalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

"Daad-gureynta ciidamada ku jooga heshiisyada laba geesoodka ah waa inaan loo fasiran inay tahay ka bixitaanka dhammaan ciidamada Uganda ee Soomaaliya," ayuu yiri Aweys.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) uu ku dhawaaqay inuu bilaabay ka bixitaanka ciidamadiisa ku jooga Soomaaliya heshiis laba geesood ah, iyadoo kooxdii ugu horreysay ay dib ugu laabatay Uganda.

War-saxaafadeed uu UPDF soo saaray 2-dii November ayuu ku sheegay in daad-gureynta ciidamadaas lagu soo gabagabeyn doono maalmo gudahood. Waxa kale oo uu xusay in dhammaan ciidamada Uganda ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan AUSSOM, la filayo inay dalka ka baxaan dhammaadka sannadka 2027.

Danjire Aweys ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu guddoomiyey kulan saddex geesood ah oo ay ka qaybgaleen Dowladda Federaalka Soomaaliya, AUSSOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Kulanka ayaa lagu xaqiijiyey sida ay saddexda dhinac uga go'an tahay xoojinta wada-shaqeynta, qorsheynta istaraatiijiyadeed iyo taageerada saadka ee howlgalka AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, dhinacyadu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay hesho taageero caalami ah oo joogto ah, la saadaalin karo, isla markaana ku filan, si loo dardargeliyo kala-guurka amniga, loo ilaaliyo guulaha laga gaaray howlgallada milatari ee socda, loona xoojiyo awoodda hawlgal ee ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Uganda ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka ugu waaweyn ee ciidamada ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu door ka qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askari ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku dhintay shil ka dhacay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Muuqaalka oo soconayay ku dhowaad 19 ilbiriqsi ayaa muujinayay diyaarad cad oo laba matoor leh, taas oo ku qornayd magaca STAR AIRLINES.

  • Soomaliya

    04-11-2026

  • 06:19AM

Kooxo hubeysan oo Wiil dhalinyaro ah ku dilay degmada Howlwadaag

Dhacdadan dilka ah, ayaa mar kale dhalisay su'aalo la xiriira awoodda ciidamada ammaanka ee sugidda amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    15-07-2022

  • 03:38PM