Axmed Madobe: Xamase Cabdi Barre waa Shaqaale aan lahayn go'aan qaadasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madobe, ayaa shaaca ka qaaday in sababta uu uga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ay ahayd dooda ku saabsan kordhinta muddada xilka dowladda federaalka, taasoo uu si adag uga soo horjeestay.

Axmed Madobe, ayaa xusay in uu ahaa kaliya siyaasiga Darood ee ka qeybgalay shirkaas, kadib markii madaxweynaha Puntland uu diiday inuu kasoo qeybgalo kulanka iyo SSC-Khatumo oo aan lagu casuumin.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa eedeyn kulul u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamase Cabdi Barre, isagoo ku tilmaamay in uu yahay mas'uul aan awood dhab ah lahayn, oo shirkadda Xasan Sheekh, oo ula jeedo dowladda kamid noqday.

“Dowladda Soomaaliyeed maanta waxay u shaqeysaa sida shirkad gaar loo leeyahay. Ra’iisul Wasaaruhu ma laha awood dhab ah – waa shaqaale aan lahayn go'aan qaadasho,” ayuu yiri Madobe.

Markii uu ka hadlayay dagaalladii dhawaan ka dhacay Raskamboni ee u dhexeeyay ciidanka Federalka iyo Ciidamada Jubaland, Axmed Madobe ayaa sheegay in marar badan uu dowladda uga digay xiisadaha sii kordhaya iyo duulaanka ay kusoo qaadeyso Maamulkiisa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku xadgudubtay dastuurka iyo inay ka leexatay sharciga, isagoo sheegay in dowladda Muqdisho fadhisa ay burburinayso heshiisyadii hore ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay gaareen.

Axmed Madobe ayaa si adag u dhaliilay habka dowladda federaalka uga hortagto Al-Shabaab, isagoo tilmaamay weerarrada kooxda ka socda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay muujinayaan in ciidanka Qaranka Soomaaliyeed aanay rabin inay dagaal la galaan.

Bishii November 2023, Axmed Madobe ayaa loo doortay xilka madaxweynenimo markii saddexaad, inkasta oo dowladda Federaalka ee Muqdisho uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ka soo horjeesteen doorashadaas, iyagoo ku eedeeyay inay ku dhacday si aan waafaqsanayn nidaamka qof iyo codka ee khilaafsan ka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM