Axmed Madoobe iyo Donald Yamamoto oo kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, iyo danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa Khamiista maanta ah ku kulmay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan kusoo aaday xilli lagu waddo in ay Muqdisho ku shiraan hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa ka dhacay hoyga Axmed Madoobe ka degan yahay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee caasimada.

Madaxtooyadda Jubaland oo qoraal kooban kasoo saartay shirkan ayaa daaha ka rogtay in is-aragan gaarka ah diirada lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka gaar ahaan xalka khilaafka ka jira doorashooyinka.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto," ayaa lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Jubaland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd".

Jubaland ayaa xudun u ah khilaafka ka jira doorashooyinka si gaar ah waxaa u khuseeya qodobka dooda ugu culus ka taagan tahay oo ah arrinta gobolka Gedo oo Villa Soomaaliya dooneyso in ay soo xulato xubnaha ka imaanaya.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu isku koobay gobolkaas kuna adkeyneysanayo in Jubaland aysan ku lug-yeelanayn xulista Xildhibaanada lagu doorto Gedo federaalka ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM