Axmed Madoobe oo abaabul ka bilaabay caasimada Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Kulankan ayaa ka dambeeyay kadib hadal dhowaan kasoo yeeray madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Ahmed Mohamed Islaam ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada ku matala Dowlada Jubaland.

"Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay masuuliyiinta kala duwan ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya," ayay tiri Madaxtooyada Jubaland.

Qoraalka Madaxtooyadda ayaa la raaciyey: "Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah".

"Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kalaba ku casuumay kulan wadatashi ah oo bartamaha bisha soo socota ka dhacaya Jubaland isla markana lagu eegi doono dadaalaada miro dhalka ah iyo howlgalada lagula dagaalamayo argagixisada," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Is-araggan oo u muuqda abaabul uu Axmed Madoobe durba ka bilaabay caasiamdda Muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadda oo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dhowaan lagu duuli doono gobolka Jubada Dhexe.

Isaga oo ka hadlaayay magaalada Washinton ee Mareykanka halkaasoo uu booqasho ku joogo, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in "sanad gudahiisa ay dowladiisa guul kaga keeneyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab".

“Waxaa socda diyaar garow la doonayo in Al-shabaab looga xoreeyo gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, oo ah gobolka keliya ee dalka ka tirsan oo ay malleeshiyada ka taliyaan gabi ahaantooda,” ayuu yiri Maxamuud.

Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee nabad-gelyadda iyo xasiloonida Soomaaliya. Dagaalameyaasha argagixisadda ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku xoogeystay qaybo kamid ah dalka sababo ku aadan in aysan wajahin dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM