Axmed Madoobe oo caddeeyay mowqifkiisa xalka xiisadda Gedo

Image
Farmaajo iyo hoggaamiyaha Jubbaland ayaa isku qabtay codayntii 2019 ka dhacday magaaladda Kismaayo.

JUBALAND, Soomaaliya – Axmed Maxamed Islaam Madoobe, madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay isbadalka dalka ka dhacay iyo xaalada gobolka Gedo, isagoo oo cadeeyay mowqifkiisa gobolka Gedo oo labadii sano la soo dhaafay uusan ka jirin maamul sharci ah ka dib markii madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu geeyay ciidamo ka tirsan kuwa Faderaalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubbaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad uu abuurtay madaxweynihii xukunka looga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo aad u saameysay gobolka Gedo.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa sheegay in hadda ay Jubbaland diyaar u tahay xalinta caqabad kasta oo jiray Gedo ka taagan, isagoo tilmaamay in caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa, balse aan qusayn bulshada deegaanka.

“Waxa aan rabnaa in aan ka billawno Golaha deegaanka si looga gudbo hebel ayaa lasoo magacaabay, Dadka waxaa si toos ah u metalaya qofka ay doortaan, Waala tagi doonaa mas’uuliyiinta oo dhan, Wasiir weliba waxa aan filayaa in uu shaqadiisa geli doono, Mashaariicda heer Gobol ama heer Federaal wixii maanta ka dambeeya waala fasaxay, dhowrkii sano u dambeysay waxa ay ciidanku ku mashquulsanaayeen siyaasadda balse waxa aan rabnaa in ay usoo jeestaan la dagaalanka Al-Shabaab,” Sidaasi waxaa yiri MW Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa balan-qaaday in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

“Arrinta reer Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo oo culeysyo badan sanadihii lasoo dhaafay naga heysteen in xal loo helo, waxa aan u baahanahay jubbaland mid ah, ma jiro qof wax loo qabo, waxa aan billaabaneynaa in dib u heshiisiin la sameeyo”

17-kii bishaan May, Wasiirka warfaafinta Jubaland Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay Jubbaland dib ugu soo ceshaneyso gobolka Gedo.

Wasiirka oo la haday Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaabka dib u heshiisiin ah ay doonayaan inay ku soo ceeshadaan gobolka Gedo, isla markaana ay doonayaan in dadka gobolkaas loo sameeyo dib u heshiisiin, isagoo shaaciyey in waxgaradka gobolka Gedo ay ku soo wargeliyeen in maamulkoodii ay diyaar u yihiin in dib loogu soo celiyo.

Dhanaca kale Madaxweynaha Jubaland ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay isla markana aqbalay natiijada doorashada.

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

Madaxweynaha xilka wareejinaya iyo hoggaamiyaha Jubbaland ayaa isku qabtay codayntii 2019 ka dhacday magaaladda Kismaayo ee dib loogu doortay Axmed Madoobe taas oo keentay in Farmaajo ciidamo ka amar qaata geeyo gobolka Gedo isla markaana laga saaro gacanta Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles