Axmed Madoobe oo daadka qaad-siiyey wararka ku saabsan inuu ku laabanayo Muqdisho

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa Golahiisa Wasiirada wuxuu u sheegay in uu aadayo doorasho lamid ah tii 2019-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta la hadlayay xubnaha golihiisa Wasiirada ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland aysan ku lug yeelan doonin muddo kororsi.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in doorashada heer dowlad goboleed ay ku dhaceyso waqtigii loogu tala galay oo si madax banaan, si la mid ah sanadka 2019-ka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay isaga baxday shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, maadaama muddo kororsi la sameeyay, taasoo keeni doonta in waqti kororsi aan faa’iido u laheyn Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in xiligaan aysan suuragal aheyn in doorasho toos ah ay ka dhacdo dalka Soomaaliya, maadaama shuruudihii looga baahnaa aysan jirin.

Shuruudahan hordhaca ah waxaa ka mid ah:

Xoraynta dalka iyadoo laga saarayo kooxaha argagixisada Al-Shabaab

Dib u heshiisiin laga dhex sameeyo shacabka Soomaaliyeed, oo weli kala qeybsan.

Heshiiskii hanaanka doorashada iyo madasha oo aan wali dhamaystirmin.

Muddo kordhinta halka sano ah kuma filna qabanqaabada doorasho dadweyne.

Sikastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Jubaland wuxuu meesha ka saarayaa rajada ay Villa Soomaaliya ka qabto inuu Muqdisho kusoo laabto wuxuuna dhabaha u xaaraya dagaal siyaasadeed horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM