Axmed Madoobe oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland aysan aqoonsanaan dowladda Federaalka, maadaama aysan ka shaqeynaynin danaha dalka iyo dadka, islamarkaana ay siyaasadeyso mashaariicda horumarineed iyo gargaarka bini'aadanimo.

Isagoo ka hadlayay Kismaayo, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqey hay'adaha Caalamiga ah inaysan usoo marin dowladda Soomaaliya wixii ay ugu tala-galeen maamulka Jubaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhawaan u safray Nairobi si uu arrimahan ugala hadlo diblomaasiyiinta dalalka taageera Soomaaliya iyo hay'adaha.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay u maamusho hay'adaha dowliga ah "sida shirkad gaar loo leeyahay" isla markaana ay wiiqayso madaxbannaanida Maamullada xubnaha ka ah nidaamka Federaalka, taasoo jebinaysa dastuurka KMG ah oo kala qeexaya awoodaha dowladda dhexe iyo kuwa maamulada.

Jubaland ayaa dowladda hadda jirta kala kulmaysa go'doomin iyo cunaqabateyn loogu tala-galay in lagu burburiyo, iyadoo Ciidanka qaranka loo adeegsaday inay ku duulaan deegaanno nabad ah, xor ah mudo dheer, si xukunka looga tuuro Axmed Madoobe oo dhamaadkii 2024 markii 3aad loo doortay xilka Madaxweynaha.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dagaal kula jirta Puntland oo ah hooyada Federaalka dalka oo soo jirtay tan iyo 1998, iyadoo ka joojiyay wixii mashariic ahaa, iyo deeqihii dhaqaale ee loogu tala-galay Maamullada Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay inay qabanayso doorasho qof iyo cod ah xili dalka uusan amni ahayn, 100% gacanta ku hayn dowladda, islamarkaana uu jira khilaaf iyo kala qeybsanaan sii kordhaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM