Axmed Madoobe oo gudoomiyay Shir ka dhacay Kismaayo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo dhowr ah.

Wasaaradda amniga ayaa ka warbixisay Xaalada amniga guud ee deegaanada Jubaland iyo howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Jubaland oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaariijta iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya oo laga saarey Raaskambooni.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa golaha warbixin ka siisay Gargaar ay wasaaraddu gaarsiisay dadka ku nool deegaanada xeebaha ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo Wasaaraddu ay maalmahii lasoo dhaafay dadka deegaanka u qeybinaysay Gargaar loogu talagalay sidii dadka deegaanku ay uga soo kaban lahayeen firaaqa ku yimid dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo adeeg bixinta kadib markii ay duulaanka gardarada ah ku qaaday deegaanadaas Dowladda Federaalka ah.

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM