Axmed Madoobe oo ka baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho

Image
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu habeenkii xalay ergo u soo diray Madaxweynaha Jubaland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa burburey wadahadalladii u dhexeeyey madaxda dowlad-goboleedyada afarta ahaa iyo dowladda federaalka ah, kaddib markii Madaxweynaha Jubaland, Axmad Madoobe, uu diidey muddo kordhin sharci darro ah oo Villa Somalia ay ku sameyneyso xilalkooda iyo nidaamka doorashada ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisu doonayeen in ay dalka ku soo rogaan.

Axmad Madoobe ayaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo.

Waxaa jiray isku dayo saacadihii ugu dambeeyey oo lagu doonayey in lagu baajiyo safarkiisa, hase yeeshee uu ku gacan seyray.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu habeenkii xalay ergo u soo diray Madaxweynaha Jubaland taasoo yiri inuu iscasili doono haddii aan la aqbalin qorshahaan, balse Axmad Madoobe ayaa diiday dalabkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM