Axmed Madoobe oo ka hadlay xulista xubnaha Aqalka Hoose

Image
Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli ay calaamad su'aal dul-hoganeyso qaabka uu u maareynayo kuraasta Garbahaarey.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa golaha warbixin ka siiyay xaalada amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee Jubaland oo "meel wanaagsan maraya" gaar ahaan doorashooyinka xubnaha aqalka hoose.

Wasaarada xanaanada xoolaha ayaa faah faahin ka bixisay xanuuno wakhtiyadii u danbeeyay ay ka cabanayeen dadka xoolo dhaqatada ah oo soo ritay xoolaha nool isla markana ay usii dheertahay abaaraha ka jira dalka.

Wasaarada ayaa soo bandhigtay hanaan wax lagaga qabanayo xanuunadaas isla markana daawayn loogu samaynayo xoolaha kala duwan ee lagu arkay xanuunadan.

"Dhinaca kale Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa golaha warbixin ka siisay shaqooyinka Wasaarada ee hortabinta leh wakhtiyada soo socda," ayay madaxtooyaddu tiri.

Jubaland ayaa illaa haatan soo xushay 15 oo kamid ah xubnaha afarta sano ee soo aadan ku matali doona Aqalka Hoose baarlamaanka federaalka waxaana u haray xulista 28 kursi.

Qaabka uu maamulkan u maareeyo qabashadda doorashadda 16-ka kursi ee yaala magaalada Gabahaarey ee gobolka Gedo ayaa isha lagu haayaa maadaama ay maamusho dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM