Axmed Madoobe oo khudbadiisa Ciidda eedeyn ugu jeediyay DF

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Mas'uuliyiin iyo dadweyne kala duwan salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada ee magaaladda Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shacabka ku booriyay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan hay'adaha amaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay.

Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban yahay loona baahan yahay in shacabka loo adeego.

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaalad abuur ka wado Jubbaland, taasoo uu xusay in mar walba xaalada uga sii darayso isla markana burbur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday.

Eedeynta Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmeysa iyadda oo Jubbaland isku diyaarinayso doorashada Baarlamaanka iyo mid Madaxweynaha, taasi oo bishan loo balansan yahay.

Doorashadda oo aad isha loogu hayo ayaa Beesha Caalamka waxay waday dedaalo looga fogaanayo in ay dhacaan arrimo liddi ku ah ammaanka iyo xasiloonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM