Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Jubaland

Image
Shirkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa maalmo kadib markii Axmed Madoobe uu ku laabtey Kismaayo.

KISMAAYO, Jubaland - Illo-wareedyo kala duwan oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in magaalada Kismaayo uu maanta ka dhacay shir ay ka qeyb galeen inta badan odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi.

Inta uu socday dooda ayaa odayaashu kula dardaarmeen Madaxweynaha Jubbaland in uu qabto doorashada maamulkaasi ka hor dhamaadka bisha November ee sanadka 2024.

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Jubbaland lagu wado in uu ku dhawaaqo dhismaha guddiga doorashada Jubbaland, kuwaas oo maamuli doona doorashada madaxweynaha ee soo socota.

Shirkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa maalmo kadib markii Axmed Madoobe uu ku laabtey Kismaayo uuna ka tagay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho.

"Kulanka wuxuu ahaa mid ay codsatay Madaxtooyadda Jubaland. Marka hore waxaa warbixin dhiibay Axmed Madoobe kaasoo fahfaahiyay shirkii Muqdisho iyo sababaha uu uga soo baxay oo uu ku sheegay in aysan waafaqsaneyn danaha Jubaland," ayuu GO u sheegay Mid kamid odayaasha ka qeybgalay.

Sida laga soo xigtay qaar kamid ah ka qeybgalayaasha, Axmed Madoobe ayaa muujiyay in uu aadi doono doorasho dadban balse ma uusan carabaabin goorta ay rasmi ahaan dhici doonta cod-bixinta maamul goboleedka.

Kulankan ayaa waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah odayaal kale oo Muqdisho ka hadlay kuwaas oo la aaminsan yahay in ay Villa Soomaaliya abaabushay si ay u cadaadiso hogaanka Jubaland gaar ahaan Axmed Madoobe.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan waday isku day ay ku dooneyso in ay ku hakiso doorashada ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee, dadaalladeeda ayaa intooda badan noqday kuwo aan wax natiijo ah kasoo bixin, maadaama aysan lahayn saameyntii looga baahnaa inay doorashada Jubbaland ku dhacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM