Axmed Madoobe oo sheegay in Xasan Sheekh uu Xamse u adeegsanayo burburinta Jubaland

Image

KISMAYO, Soomaaliya - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Xamse uu noqday hubka Xasan Sheekh u adeegsanayo burburinta iyo khal-khal gelinta Jubaland, oo ah halkii uu kursiga Xildhibaanka kasoo helay.

"Waxaa nasiib-darro ah in wiilka shalay aan Xildhibaanka siinay, ee Ra'iisul Wasaaraha noqday, maanta inuu noqdo cida loo adeegsanayo Jubaland burburinteeda," ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlay hoolka baarlamaanka oo maanta lagu doortay.

Wuxuu sheegay in kuwa ka awood badan Xamse oo dowlado ku jiraan ay ku guul-dareysteen dagaalka iyo burburinta Jubaland, waxaana uu tusaale usoo qaatey isku-daygii 2019 Ciidamo Itoobiyaan ah Kismaayo loogu diray inay Axmed Madoobe soo xiraan, balse hawada laga celiyay diyaaradooda.

Axmed Madoobe ayaa xusay in Xasan Sheekh uu Maanta dib u xasuusinayo reer Jubaland wixii dhacay 2019, oo laga soo bogsaday, isagoo intaasi ku daray in dowladnimada Soomaaliya noqotay mid iyada ka shaqeynaysa burubrinta nidaamka Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM