Axmed Madoobe oo tagey Kenya xili DFS sheegtay inay ka xayirtay safarka dibadda

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa safar ku tagey dalka Kenya, gaar ahaan Caasimada Nairobi xili dowladda Soomaaliya ay usoo saartay warqad lagu soo xirayo, iyadoo sidoo kale xanibaad dhanka socdaalka saartay.

Inta uu ku sugan yahay Nairobi, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu la shiro wakiiladda dowladaha Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, si uu ugala hadlo taageeradooda Jubbaland, oo xaalada go'doon ay ku jirta hadda.

Safarka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili uu dhawaan aqbalay casuumaadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan wada-hadalka qaranka ee ka dhacaya Muqdisho, kaasoo siyaasiyiin dhowr ah, oo Farmaajo kamid yahay ay qaadaceen.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday doorashadii ka dhacday Kismaayo sanadkii hore, oo Axmed Madoobe mar 3aad loogu doortay xilka Madaxweynaha Jubaland. Waa socdaalkii 2aad oo Axmed Madoobe ku tagayo Kenya tan iyo markii dowladda Federaalka warqadda soo qabashadda usoo saartay.

Kenya ayaa saaxiib la ah Axmed Madoobe, waxayna ka taageertaa dagaalka Al-Shabaab iyo sugida amiga Kismaayo oo Ciidamadeeda ay ku sugan yihiin tan iyo 2012.

Axmed Madoobe ayaa diyaarad gaar ah ka raacay Kismaayo, taasoo geystay Nairobi, isagoo muujiyay inaysan saameyn ku yeelan xayiraadda safarka ee dowladda Soomaaliya kusoo rogtay maamulka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garaad Jaamac oo ka digay in Khilaafka Soomaalida uu fursad u noqdo Israel 

Hadalkan ayaa uu ka jeediyay munaasabad dhaqameed ka dhacday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, Puntland.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 01:44PM

Galdogob oo Sanado Kaddib Kulmisay Madaxda Puntland iyo Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda kula fadhiistay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 12:29PM