Axmed Madoobe oo xujo hordhigay xubnaha federaalka ee Jubbaland

Image
Muddo 10 sano ah ayuu Axmed Madoobe ku hanjabayay in uu Alshabaab ka saari doono deegaanada maqan.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa habeen sedexaad Muqdisho kula kulmay xubnaha labada gole ee heer federaal ku metala Jubbaland, kulankaas oo intiinii sida dhow ula socday la baahiyay sawiradiisa. 

Balse xogta aanan la baahin waxa ay ahayd waxyaabihii rasmiga ahaa ee la isku yiri shirka oo qeyb ka mid ah ah hadda soo gaareen GO, waa sida ah ku warbixiyeen masuuliyiin ka qeybgalay.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada kala hadlay in nin kasta uu beeshiisa ka keeno ciidamo iyo waliba saanadooda hubka, si ay uga qeybgalaan duulaan uu sheegay in Jubaland ay ku qaadayso Alshabaab.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maamulka Jubaland uusan hubeyn doonin beelaha maadaamaa dagaalo beeleedyo lagu hoobtay ay mar aan fogeyn ka dhaceen Galbeedka Kismaayo, beelahana iyaga laga rabo in hubkooda ay dagaalka kaga qeyb qaataan.

Wuxuu intaasi ku daray, kana digay, xujana uga dhigay xildhibaanada ay hadhoow uusan maamulka qaadi doonin eedaha la xiriiri wixii awood qeybsi ah haddii aanan loo sinaanin difaaca Jubaland.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada ku casuumay shir lagu qabanayo Kismaayo oo looga hadlayo xoreynta deegaanada maqan, iyada oo laga faaiideysanayo hawlgalada ka socda dalka intiisa kale.

Muddo 10 sano ah ayuu Axmed Madoobe ku hanjabayay in uu Alshabaab ka saari doono deegaanada maqan, balse weli ficil looma rogin arrinkaasi. Kulankii uu xildhibaanada la yeeshay ayaa waxaa xusid mudan in ay ka maqnaayeen xubno muhiim ah oo saamayn ku leh beelabooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM