Axmed Madoobe oo xujo hordhigay xubnaha federaalka ee Jubbaland

Image
Muddo 10 sano ah ayuu Axmed Madoobe ku hanjabayay in uu Alshabaab ka saari doono deegaanada maqan.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa habeen sedexaad Muqdisho kula kulmay xubnaha labada gole ee heer federaal ku metala Jubbaland, kulankaas oo intiinii sida dhow ula socday la baahiyay sawiradiisa. 

Balse xogta aanan la baahin waxa ay ahayd waxyaabihii rasmiga ahaa ee la isku yiri shirka oo qeyb ka mid ah ah hadda soo gaareen GO, waa sida ah ku warbixiyeen masuuliyiin ka qeybgalay.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada kala hadlay in nin kasta uu beeshiisa ka keeno ciidamo iyo waliba saanadooda hubka, si ay uga qeybgalaan duulaan uu sheegay in Jubaland ay ku qaadayso Alshabaab.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maamulka Jubaland uusan hubeyn doonin beelaha maadaamaa dagaalo beeleedyo lagu hoobtay ay mar aan fogeyn ka dhaceen Galbeedka Kismaayo, beelahana iyaga laga rabo in hubkooda ay dagaalka kaga qeyb qaataan.

Wuxuu intaasi ku daray, kana digay, xujana uga dhigay xildhibaanada ay hadhoow uusan maamulka qaadi doonin eedaha la xiriiri wixii awood qeybsi ah haddii aanan loo sinaanin difaaca Jubaland.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada ku casuumay shir lagu qabanayo Kismaayo oo looga hadlayo xoreynta deegaanada maqan, iyada oo laga faaiideysanayo hawlgalada ka socda dalka intiisa kale.

Muddo 10 sano ah ayuu Axmed Madoobe ku hanjabayay in uu Alshabaab ka saari doono deegaanada maqan, balse weli ficil looma rogin arrinkaasi. Kulankii uu xildhibaanada la yeeshay ayaa waxaa xusid mudan in ay ka maqnaayeen xubno muhiim ah oo saamayn ku leh beelabooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM