Axmed Shide oo ka degay Muqdisho, lana kulmay Farmaajo

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, Axmed Shide, ayaa socdaal aan lasii shaacin waxa uu ku tegay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Sabtida maanta ah.

Mr Shide oo Soomaali-Itoobiyaan ah isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga haya talada degaanada Soomaalida wadankaasi ayaa waxa uu Villa Soomaaliya kula kulmay madaxweyne Farmaajo.

Ugu horeyn, sidda ay madaxtooyadda baahisay, Axmed ayaa hogaamiyaha dalka Geeska Afrika dhaca ku wareejiyay dhambaal hambalyo iyo salaan ah oo ka timid Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Dhambaalka ayaa sida lasoo wariyey, waxa uu ku saabsan todobaadka xorriyada oo ay Soomaaliya waqti xaadirkan ku guda jirto isla markaana ay u dabaalgeyso.

Labada mas'uul ayaa inta uu socdey wada hadalkooda waxay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaalada gobolka gaar ahaan amniga iyo iskaashiga dowladaha.

"Madaxweyne Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan Geeska Afrika," ayaa lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa waxay qeyb ka ah iskaashiga saddex geesoodka ee uu Abiy hindisay iyadda oo uu Farmaajo aad ugu dhowaa wasiirka koowaad ee Addis Ababa tan iyo markii la doortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM