Baaqii guddiga farsamada ee Baydhabo oo la baahiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faafisay soojeedinta guddiga farsamo ee intii u dhaxeysay 15-16 Febraayo ku shiray xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo.

Soojeedinadaas waxaa ku jiray qodobo lagu xalinayo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka si gaar ah qadiyadda gobolka Gedo, xulista wakiilada Somaliland iyo xubnaha guddiga lagu muransan-yahay.

Faafinta war-saxaafadeedka ayaa kusoo aaday iyaddoo shir laba casho socday uu u soo dhamaadey madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo mas'uuliyiin heer federaal iyo heer gobol ee taabacsan.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka baaqsaday ka qeybgalka shirkaas halka dhinac ahaa, iyagoo ku doodey in muhiim ay tahay in laga heshiiyo walaaca dhanka ammaanka iyo ciidanka kahor arrinta doorashada.

Walaacaas waxay ka dhasheen dhacdooyin lasoo wariyey kadib shirka guddiga farsamadda oo ay ugu weyn tahay weeraradii madaxwayneyaashii hore iyo banaanbaxyada ay abaabuleen musharaxiinta.

Dowladaha Puntland, Jubaland, Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi oo ku midoobay Madasha Badbaado Qaran ayaa ku eedeeyay maamulka Farmaajo in uu rabo in dalka uu ku celiyo xukun kelitalis.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaan wali saxiixin warqada caddeyneysa in xilliga ka idlaaday, waana mid kamid ah shuruudaha mucaaradka kahor furitaanka shirka.

War-saxaafadeedka guddiga farsamadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM