Baaqii guddiga farsamada ee Baydhabo oo la baahiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faafisay soojeedinta guddiga farsamo ee intii u dhaxeysay 15-16 Febraayo ku shiray xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo.

Soojeedinadaas waxaa ku jiray qodobo lagu xalinayo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka si gaar ah qadiyadda gobolka Gedo, xulista wakiilada Somaliland iyo xubnaha guddiga lagu muransan-yahay.

Faafinta war-saxaafadeedka ayaa kusoo aaday iyaddoo shir laba casho socday uu u soo dhamaadey madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo mas'uuliyiin heer federaal iyo heer gobol ee taabacsan.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka baaqsaday ka qeybgalka shirkaas halka dhinac ahaa, iyagoo ku doodey in muhiim ay tahay in laga heshiiyo walaaca dhanka ammaanka iyo ciidanka kahor arrinta doorashada.

Walaacaas waxay ka dhasheen dhacdooyin lasoo wariyey kadib shirka guddiga farsamadda oo ay ugu weyn tahay weeraradii madaxwayneyaashii hore iyo banaanbaxyada ay abaabuleen musharaxiinta.

Dowladaha Puntland, Jubaland, Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi oo ku midoobay Madasha Badbaado Qaran ayaa ku eedeeyay maamulka Farmaajo in uu rabo in dalka uu ku celiyo xukun kelitalis.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaan wali saxiixin warqada caddeyneysa in xilliga ka idlaaday, waana mid kamid ah shuruudaha mucaaradka kahor furitaanka shirka.

War-saxaafadeedka guddiga farsamadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM