Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ansixiyay sharciyo muhiim ah

Image
Sharcigan waxaa soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 30-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka kulanka oo ku furmay 151-Xildhibaan waxaa ugu horeyn Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka-badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed uu Xildhibaanadda Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday hindise sharciyeedyadan ayaa waxaa ogolaatay 151-Xildhibaan oo ah kooramka kulanka uu ku furmay mana jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijadda codeynta ku dhowaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahad celiyay ansixinta labadan hindise sharciyeed oo muhiim ahaa iyo talooyinka ay ku biiriyeen mudada ay socdeen doodaha iyo soojeedimaha.

Dhanka kale Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Afrika ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagtay warbixin ku saabsan shirka guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labada hindise sharciyeed loo gudbin doono Golaha Aqalka Sare maadaama xeritaanka kalfadhiga 5-aad uu ka harsan yahay mudo bil ah, isagoo mudanayaasha Golaha uga mahadceliyay sida ay waajibaadkooda dastuuriga u ah u guteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM