Baarlamaanka Jubaland oo ansixiyey madaxwayne ku xigeeno la magacaabay

Image
Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay sameeyay magacaabidan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay magacaabay Madaxweyne kuxigenka koowaad iyo Madaxweyne kuxigenka labaad ee Dowladda Jubbaland kuwaaso kala ah Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Hadaba Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland ayaa maanta u fariisteen kala fadhiga 1aad fadhisa 4aad kaso si gacan taag ah ay u Ansixiyeen magacabista labada Madaxweyne.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa gacan taaga kadib Warbaahinta usheegay tirada Mudanayaasha ah ee Ansixiyay Magacaabista Madaxweyne kuxigeenada Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM