Baarlamaanka Jubaland oo ansixiyey madaxwayne ku xigeeno la magacaabay

Image
Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay sameeyay magacaabidan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay magacaabay Madaxweyne kuxigenka koowaad iyo Madaxweyne kuxigenka labaad ee Dowladda Jubbaland kuwaaso kala ah Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Hadaba Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland ayaa maanta u fariisteen kala fadhiga 1aad fadhisa 4aad kaso si gacan taag ah ay u Ansixiyeen magacabista labada Madaxweyne.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa gacan taaga kadib Warbaahinta usheegay tirada Mudanayaasha ah ee Ansixiyay Magacaabista Madaxweyne kuxigeenada Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM