​Baarlamaanka Somalia oo dib u celiyay Hindise Sharciyeed cusub

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa ku celiyay Wasiirka Caddaalada Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada dalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta hortagey Gollaha Shacabka, oo uu kahor aqriyay Hindise Sharciyeedkaas oo ay Gollaha Wasiirada ansixiyeen 22-kii bishii hore ee Juun.

Wasiirka ayaa Xildhibaanada u sharaxay Muhiimada ay dalka u leedahay dhismaha Guddigan, isagoo daboolka ka qaadey sharciyada uu ku shaqeynayo iyo Shaqooyinka ay qabanayaan Xubnahiisa.

Ku xigeenka labaad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa khudbad jeediyay ayaa sheegay in Warqadaha loo qeybiyay  Xildhibaanada aysan ku cadeyn Miisaaniyada uu ku shaqeynayo Guddiga.

"Waxaa muhiim in la cadeeyo Miisaaniyada uu ku shaqeynayo Guddigaan, maadaama Warqada loo gudbiyay Xildhibaanada aysan ku cadeyn," Ayuu yiri Cawad oo ka hadlay Kulanka Gollaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa qaatay go'aanka uu soo jeediyay Cawad, oo ay isku raaceen in Wasiirka lagu celiyo heerkan isla markaana uu soo Cadeeyo Miisaaniyada Guddigaan ka dibna uu Xildhibaanada kula soo laabto, si ay uga doodaan Kulankooda dambe.

GAROWOONLINE

Related Articles

Xubnaha Soomaaliya ee EALA oo si rasmi ah loo dhaariyey

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 10:50AM

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM