​Baarlamaanka Somalia oo diiday in dib loogu laabto doorashada Kuraastii la laaley

Image

MUQDISHU, Somalia- Baarlamaanka dowladda Federaalka Somalia ayaa diiday amarkii kasoo baxay Maxkamadda sare bishii May ee ahaa in dib loogu laabto Sideed kursi, oo uu laaley Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadii Dadbanayd ee lagusoo xulay golaha shacabka.

Kulan uu shir Guddoomiyay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay soo xaadireen 184 Xildhibaan ayaa cod gacantaag ah loo qaaday sida laga yeelayo Go’aanka Maxkamadda.

180 Mudane ayaa diidmo galiyay go’aanka Maxkmadda waxayna sheegeen inaan lagu noqon karin doorashada Xildhibaanada muranku ku jiray.

Kulanka inta uu socday, Xildhibaanada ayaa waxba kama jiraan ka dhigay Amarka Maxkamada sare, waxayna isku raaceen in si sharci ah lagu soo doortey xildhibaanada, dibna aan loogu laaban doonin.

Afar Mudane oo kaliya ayaa ka aamusay codka loo qaaday Xildhibaanadii la laaley doorashadooda.

Magacyada sideeda Xildhibaan ee lagu muransan yahay kuraastooda:-

1 - Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2 - Maxamed Saciid Cabdullahi

3 - Maxamed Axmed Abdtidoon

4 - Nadiif Aadan Isaaq

5 - Muna Khalif Sheekh Abu [Muna Kay]

6 - Cabdicasiis Saalax Carmaan

7 - Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8 - Samra Ibrahim Cumar

Maxkamada waxay sheegtay in sideedan kursi qaabka musuq-maasuq ah lagu soo doortey, loona baahan yahay in markale loo tartmo, si loo qanciyo musharaxiintii hore ee dacwada soo gudbiyay.

Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa baabi'iyay 11 kuris markii hore, balse Hogaamiyaasha Madashii Qaranka, ayaa diiday oo isku raacay in 3 Kursi lagu laabtey, kuwaasi oo dib loo doortey.

Dhanka kale, Baarlamaanka ayaa meel mariyay maanta sharciga dib u doorashada Kuraasta banaanaata, kaasi oo dhigaya in loo maro wadadii hore ee ahayd in 51 ergo soo doorato Xildhibaanka.

Waxay sidoo kale Xildhibaanada warbixin ka dhageysteen Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, iyagoo ugu dambeyntiina u yeeray Wasiirka cadaaladda oo la filayo inuu yimaado gollasha shacabka kulamada xiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM