Baarlamaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNOPS oo ka shiray mashaariicda

Image
Aadan Madoobe ayaa hay’addan ku bogaadiyay hay’adahan howlaha mashaariic ee ay wadanka ka hayaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ala’a Nemer oo ah u qeybsanaha Soomaaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda UNOPS iyo Venelin Rengelov oo ah madaxa qeybta taageerada ee UNOPS.

Mas’uuliyintan ka socotay Hay’adda UNOPS ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka uga warbixiyay mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka iyo qaabka ay u fuliyaan, waxaana sidoo kale kulanka looga hadlay wada shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda UNOPS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku bogaadiyay hay’adahan howlaha mashaariic ee ay wadanka ka hayaan iyo sidoo kale taageeradda ay siiyaan hay’adaha dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM