Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey miisaaniyadda 2022-da

Image
Miisaaniyaddan oo dhan $699.1 milyan ayaa horey waxaa u meelmariyey golaha wasiiradda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey Miisaaniyadda sanadkan 2022. Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa meelmarintan sameeyay kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GOLAHA SHACABKA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo ku-xigeenka koobaad ee Golaha shacabka oo ay weheliyaan guddoonka  Aqalka sare ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 1aad kulankiisa 9aad ee wadajirka ah, Ajandaha kulanka oo ahaa   aqrinta sadaxaad iyo u codeynta miisaaniyadda 2022-ka.

Guddiga KMG ah ee loo xil saaray odoroska miisaaniyada ayaa soo jeediyey warbxin guudna  ka siiyey xildhibaannada.

Guddoomiyaha ayaa soo jeediyey in xildhibaanada ay miisaaniyada u codeeyaan maadaama dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay laga dooday su'alana laga weeydiiyay wasiirka wasaarada maaliyadda, iyadoo gaba-gabada cod gacan taag ah ugu codeeyeen 204 mudane halka labo Xildhibaan ay ka aamustay  waxaana diiday labo xildhibaan, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in sidaasi miisaaniyada ay ansax ku tahay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AQALKA SARRE

Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay Miisaaniyadda Qaranka 2022 kadib akhrintii labaad oo ay maanta marsiiyeen.

Ansixinta Miisaaniyadda oo ahayd hab gacan taag ah ayay 204 Xildhibaan oo ka tirsan labada Gole haa ku codeeyeen, labo Xildhibaan ayaa diiday labo Xildhibaanna waa ka aamuseen.


Miisaaniyadda Soomaaliya ee 2022-da oo Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen bishii October ee sanadkii 2022-dii ayaa dhan $699.1 Milyan, waxaana kororka ugu badan uu ku yimid dhinacyadda ammaanka iyo arrimaha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM