Baarlamaanka Soomaaliya oo baaq kasoo saarey colaad beeleedyadda

Image
Kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda Golaha Shacabka federaalka ayaa looga hadlay arrinkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shirka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo dhowaan la magacaabay iyo sidoo kale xubno ka tirsan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana ugu horeyn garsoore ka tirsan maxkamada sare ee dalka uu kulanka ku dhaariyay xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada iyo sidoo kale xubnaha ka tirsan Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Dhinaca kale kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligan dhiiga muwaadiniin Soomaaliyeed aano qabiil loo daadiyo, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM