Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodey canshuurta lasoo rogay

Image
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa kamid ah xubnaha meesha ka hadlay.

MUQSISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Xildhibaan Cusmaan Cali Cusmaan oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Intaasi xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa sii amba ka qaaday ka doodista soo jeedinta (mooshin) xildhibaanadda ee ku saabsan wax iska weydiinta canshuuraha iyo cabashada ganacsatada kala duwan, waxaana xildhibaanadda ay ka doodeen habka canshuurta loo qaadayo oo ay dhowaan soo saartay Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hanaanka loo maray.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliya aysan diidaneyn in ay canshuur bixiyaan balse ay jirtay cabasho kale oo ay qabeen taasina ay dowladda xalisay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda arintan ku saabsan kulanka kan xiga la sii amba qaadi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM