Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodey canshuurta lasoo rogay

Image
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa kamid ah xubnaha meesha ka hadlay.

MUQSISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Xildhibaan Cusmaan Cali Cusmaan oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Intaasi xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa sii amba ka qaaday ka doodista soo jeedinta (mooshin) xildhibaanadda ee ku saabsan wax iska weydiinta canshuuraha iyo cabashada ganacsatada kala duwan, waxaana xildhibaanadda ay ka doodeen habka canshuurta loo qaadayo oo ay dhowaan soo saartay Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hanaanka loo maray.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliya aysan diidaneyn in ay canshuur bixiyaan balse ay jirtay cabasho kale oo ay qabeen taasina ay dowladda xalisay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda arintan ku saabsan kulanka kan xiga la sii amba qaadi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM