Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala jabay ciqaabta Xildhibaano taageeray Itoobiya

Image
Villa Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay ku cadaadineyso guddoonka Aqalka Hoose inuu qabto mooshin la diyaariyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay saxiixeen mooshin xasaanad ah oo ka dhan ah 25 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Mudaneyaashan ayaa taageeray mudaaharaadyo lagu taageerayey Itoobiya oo dhawaan ka dhacay labo magaalo oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, afhayeenka golaha shacabka Aadan Madoobe ayaa lagu waramay inuu ku gacan saurus inuu aqbalo soo jeedinta.

Dhanka kale, kulankii maanta ee xildhibaanada ayaa dib u dhacay, taasoo ka dhalatay ismari waaga ee xil ka qaadista xildhibaanadan.

GAROW ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM