Baarlamaanka Soomaaliya oo loo gudbiyay natiijada baaris lagu sameeyay xabsiga Muqdisho

Image
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay warbixinta guddiga ayaa isla qiray muhiimada ay leedahay ka warqabka xaalada maxaabiista.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 19-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa buuxinta xubin ka banaan Guddiga Dastuurka, soo jeedinta warbixinta guddiga loo xil saaray arrimaha xabsiyada iyo qeybinta warbixinta xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2023.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay Xildhibaan Qaasim Cabdikariin Cilmi inuu ka mid noqdo Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Labadiisa Aqal, waxaana ogolaaday 148-Xildhibaan halka 2-Xildhibaan ay ka aamuseen.

Intaasi ka dib Xildhibaan Cabdulqaadir Barako oo ka mid ah guddi gaar ah oo loo xilsaaray arrimaha xabsiyada ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka la wadaagay warbixin guddiga uu kasoo diyaariyay Xabsiga Dhexe iyo xaaladda ka jirta.

Warbixinta guddiga ayaa ku saabsaneyd xaalada maxaabiista, goobaha ay ku xiran yihiin, dhibaatooyinka heysta, waxyaabaha ay u baahan yihiin sida caafimaadka iyo waxbarashada iyo sidoo kale guud ahaan nolosha Xabsiga Dhexe.

Guddiga gaarka ah ee xabsiyada ayaa sidoo kale soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay kulamo ay la yeesheen taliyeyaasha Booliiska, Asluubta iyo masuuliyiinta wasaaradaha ay quseyso arrimaha xabsiyada iyo maxaabiista.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay warbixinta guddiga ayaa isla qiray muhiimada ay leedahay ka warqabka xaalada maxaabiista sida caafimaadkooda, waxbarashadooda, goobaha ay seexdaan iyo ilaalinta xuquuqdooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyey guddiga gaarka ah ee warbixinta kasoo diyaariyay xabsiga dhexe isaga oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyay hay’adihii ka jawaabay qeybo ka mid ah baahiyaha ka jira Xabsiga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM