Baarlamaanka Soomaaliya oo mar kale ka doodey canshuurta iibka

Image
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka canshuurta loo qaadayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sii amba qaadida dooda ku saabsaneyd arrimaha canshuuraha iibka, cabashada ganacsatada kala duwan iyo sida lagu xalin karo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka canshuurta loo qaadayo, hanaanka loo maray, cabashada ganacsatada iyo sidoo kale habka lagu xalin karo, waxaana inta badan Xildhibaanadu ay ka sinnaayeen muhiimadu ay qarankeena u leedahay bixinta canshuurta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana la dhameystiri doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Sabtiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM