Banaanbax looga soo horjeedo AMISOM oo ka dhacay Muqdisho [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dibadbax ballaaran, oo looga soo horjeedo ciidamad howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ay ka qeybgaleen boqolaal kamid ah shacabka magaalada, oo isagu jira rag, dumar iyo caruur ayaa waxaa looga soo horjeeday dil bareer ah oo ciidamada AMISOM 4 qof oo rayid ah ugu geysteen degmada Heliwaa, ee gobolka Banaadir.

Dilka shacabka ayaa ka damabeeyay markii Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM qarax miino lagula eegtay nawaaxiga Isgoyska Ex-control Balcad, kaasi oo waxyeello kasoo gaartey, sida ay dadka degaanka u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Dadka degaanaka ayaa aad uga caroodey shacabka dilk shacabka, iyagoo dhigy dibadbax ay ku dalbanayeen in cadaaladda lasoo taago Askartii ka dambeysay falkan, oo kamid ah tacadiyada ciidamada AMISOM ka geysanayaan dalka.

Magacyada dadkii AMISOM ku dishay Muqdisho:

Qaasim Daahir Kheyre,

Xasan Yuusuf Siyaad,

Cali Shir Ugaas,

Axmed Maxamuud Baseey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM