Banaanbaxii Musharaxiinta ee Jimcaha oo dib-loo-dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya iyo Musharaxiinta ayaa ku heshiiyey in dib loo dhigo banaanbaxii qorshuhu ahaa in uu qabsoomo maalinta berri oo Jimce ah, sidda ay sheegayaan warar xog ogaal ah.

Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxwayne oo xaruntiisa doorashada kula hadlayey taageereyaashiisa, ayaa xaqiijiyey in dib loo dhigay mudaaharaadka.

"Dib ayaan idin kaga soo sheegi doonaa maalinta xigta iyo goobta uu ka dhacayo," ayuu yiri Khayre oo la hadlayey taageereyaashiisa kuwaasoo isku diyaarinayey in isu-soo-baxa uu qabsoomayo maalinta berri ah.

Wuxuu ku daray: "In aan isla fahano waaye; magaalo aan lagu banaanbixi karin miyaa doorasho lagu qaban karaa? magaalo aan lagu banaanbixi karin miyaa dowladnimo laga hirgelin karaa? magaalo aan lagu banaanbixi karin miyaa xorriyadi ka jirtaa? hadii aan banaanax lagu aamini karin doorasho iyo dowladnimo miyaa lagu aamini karaa? miyaan rabnaa in aan xuquuqdeena ka tanaasulno?".

"Mana aqbaleyno, idinkana ma aqbali doonto in dalkan ay ka dhacdo doorasho aan xor iyo xalaal ahayn," ayuu hoosta ka xariiqay musharax madaxwayne Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaanan ka qeybgalin wadaxaajoodka shirka musharaxiinta iyo dowladda federaalka oo ku qabsoomay Hotel Decale oo ku yaala nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho.

Wadaxaajoodkaas ayaa kasoo baxay dedaalo ay sameeyeen ergo u badan siyaasiyiin iyo wakiiladda Beesha Caalamka oo shirar gaar-gaar ah la qaadatay labada dhinac saacado kahor kulanka ay maanta isugu yimaadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM