Baraawe oo laga bilaabayo doorashada golaha shacabka

Image
Guud ahaan kuraasta la doortay ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa gaaraya 75 mudane.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Magaaladda Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah ee Koofur ayaa laga bilaabayaa doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ka dib markii maamulka shaaciyay 11 kursi oo codayntoodu ka dhacayso magaaladdaan qadiimiga ah.

Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu dhawaan qabanayo Doorashada iyada oo la marin doono shuruudaha uu guddigaas ugu talagalay in la sameeyo kahor Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS.

Kuraasta uu SEIT Koofur Galbeed uu shaaciyay ayaa kala ah HOP#016, HOP#044, HOP#155, HOP#150, HOP#151, HOP#152, HOP#153, HOP#160, HOP#161, HOP#250, HOP#080, HOP#165 iyo HOP#173.

Guud ahaan kuraasta la doortay ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa gaaraya 75 Mudane, waxaana dhiman 200 oo mudane kuwaasoo intooda badan yaalla deegaan doorashada labaad ee maamuladda.

Heshiiska Golaha wadatashiga qaranka ee 9-ka Janaayo 2022 ayaa dhigayay in Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo muddada u dhaxeysa 15ka Janaayo ilaa 25ka Febaraayo 2022.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA

SEIT Southwest State

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM