Barlamanka Somalia oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda Federaalka

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa meel-mariyay Miisaaniyadda Xukuumadda ay ku shaqeynayso 2017, kadib Kulan ay ku yeesheen maanya xarunta Gollaha Shacabka ee magaalada Muqdishu.

Inta ay socotay dooda, 167 Xildhibaan, oo kamid ahayd 169 Mudane oo Kulanka soo xaadiray ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda, oo gaaraysa $260 Million, taasi oo bishii soo gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in ay ansax tahay Miisaaniyada cusub ee Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Kheyre, maadaama lagu meel-mariyay cod aqlabiyad leh, oo gaaraya 167 cod, islamarkaana ay diideen labo Mudane oo kaliya.

Misaaniyadan cusub ee 2017, waxay aad uga badan tahay kuwii ay kusoo shaqeysay dowladii hore, maadaama uu dalka hadda yeeshay Aqal sare, oo lagu soo kordhiiyay miisaaniyadooda ay ku shaqeynayaan.

Miisaaniyadda dowladda oo aad u yar ayaa waxaa kabo dowlado shisheeye, oo Turkiga ugu horeeyo, waxayna bixiyaan lacag badan oo maaliyiin doollar ah, taasi oo loogu talo galay in lagu dhameystiro lacagta Xukuumadda kasoo gasho Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM