Bartilmaaamyadda qaraxyo gaari oo ku jira Muqdisho oo la ogaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laamaha ammaanka ayaa soo saarey digniin dhanka amniga oo ku saabsan saddex qarax gaari oo ku jira Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Baabuurta lasoo miidaamiyey oo mid kamid ah noociisa lagu sheegay Toyota Noah ayaa la tilmaamay in midabkiisu yahay Giriije. Labada kale waxaa lagu qeexay nooca raaxada ah.

Digniinta dhanka nabad-gelyadda ayaa waxay intaasi raacineysa in qaraxyada "lagu beegsan doonto kontaroolada xogaga dowladda ee caasimadda".

Saraakiil ka gaabsaday in magacyadooda loo adeegsado qalabka warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay in weerarada qaarkood "ay noqon karan" is-miidaamin.

"Dadweynaha waa in ay feejignaan dheeraad ah ay galaan. Waxaana waydiisaneynaa in ay nagu soo wargeliyaan waxay tuhman," ayuu yiri mas'uul ka tirsan Wasaaradda Amniga.

Warbixinta ayaa waxay soo jeedineysaa in ay suurtogal tahay in qaraxyadda ay la socon karaan weerar toos ah oo baraha ay ciidanka joogan lagu qaado.

Ciidamadda ku sugan kontaroolada muhiimka ah ee magaaladda caasimadda ah oo lala socod-siiyay digniintan ayaa waxaa la faray in ay heegan galaan.

Arbacadii, qarax is-miidaamin oo ka dhex-dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho waxaa ku naf-waayey tobban ay ku jiraan gudoomiyeyaal xili lagu dhaawacay duqa caasimadda.

21-kii bishan July, qarax gaari oo lagu weeraray kontaroolka koowaad ee laga ilaaliyo garoonka Aadan Cadde ee ku yaala isgoyska KM4 ee Muqdisho ayaa lagu dilay 20 qof oo u badan shacab.

Qaraxyadda oo waxyeelo badan sababa ayaa kamid ah xeeladaha ay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida adeegsaneyso tan iyo markii magaala madaxda laga xoreeyay sanadkii 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM