Bartilmaameedka cusub ee Al-Shabaab ka doc-wareemayso

Image
Weeraradii ugu dambeeyay ee maleyshiyadda fulisey ayaa soo bandhigay goobo cusub oo ay beegsanayaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkasta oo aysan jirin meel fayoow oo aysan waxyeeleyn, haddane waxaa lasoo tabinayaa in kooxda Al-Shabaab ay si gaar ah xoogga u saarayso waxyeeleynta kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah nolosha.

Meelaha qaarkood waxaa ku laran ujeeddo militari, balse danta ugu weyn waa in wax loo dhimo dadka, dalka iyo dowladnimada, lana weeraro meel kasta oo laga damqanayo.

Shalay waxa ay weerar ku qaadeen buundada kaliya ee ku taala magaalada Buulo Burde, taas oo ay qarax weyn ku xireen, ayna gaarsiiyeen qasaaro laxaad leh.

Horey waxa uu u burburiyeen ceelal biyood, waddooyin iyo beero, xarumo caafimaad, garoomo diyaaradeed oo ay weerar ku qaadeen iyo dano kale oo muhiim ah.

Arrimahan waxa ay dhacayaan iyada oo markii horeba dayac iyo gaboow uu dilooday kaabayaashan, intaana usii dheertahay in dalka uusan haysanin buundooyin iyo waddooyin badan oo xitaa dabooli kara boqolkiiba 20 baahida loo qabo.

Sidaasi awgeed, kaabe kasta oo ay Al-Shabaab burburiyaan, wuxuu halis ugu jiraa in aanan ebed dib loo dhisin xilli dowladnimada hadda jirta aysan gaarin heer ay xitaa gudub karto adeegyada asaasiga ah.

Marka uu dagaal kan dhammaado, tirakoobyada loo baahanyahay in la ogaado oo la qiimeeyo waxaa ka mid ah qiimaha uu laegyahay dhaqaalaha iyo hantida ay Alshabaab dalka ka galaafteen, si markaasi loo qiyaaso waqtiga looga soo kaban karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM