Beesha Caalamka oo fariin u dirtay Guddiga Doorashadda Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii guddiga doorashada Jubbaland uu waqrad u diray 16-kii bishan, taasoo uu kaga jawaabayay qodobo looga hadlay kulan uu Kismaayo kula qaatey wafdiga beesha caalamka, ayaa waxaa maanta kasoo jawaabey ergayga UN-ka.

Qoralka loo diray Guddiga Doorashada Jubabland, ayuu James Swan ugu uga mahadceliyay tallaabooyin la qaadey, oo ay kamid tahay in mudo 3 maalmood ah dib loo dhigo doorashadda Madaxtinimada, sidoo kalena dib loo furay diiwaangelinta musharixiinta.

Laakiin, James Swan ayaa sheegay in tallaabooyinka dheeriga ah ay hoos uga dhacday waxyaabihii ay ku balameen markii ay la kulmeen guddiga, ee lagu dhisayo kalsoonida hanaanka doorashadda Jubbaland.

“Warqadii aan adin soo diray anigoo ku hadlayay saaxiibada caalamka 8-dii August waxaan hoosta uga xariiqnay muhiimada in la qabto hal doorasho xalaal iyo xor ah, la iskuna waafaqsan yahay oo dhamaan shacabka reer Jubbaland taageersan yihiin, siina xoojinaysa midnimadooda,” ayuu yiri Swan.

Wuxuu xusay in hadii aan wax laga qaban walaac dhinacyada quseeya doorashada ay khatar gelinayso natiijada ay hesho taageero buuxda taasoo muhiim u ah midnimada iyo xasiloonida Jubbaland iyo sidoo kale dowlad dhisida dalka Soomaaliya.

“Waxaa muhiim ah in hanaanka doorashada noqdo mid loo dhan yahay, kuna dhaca qaab nabdoon, oo horseedi karta in guulo laga gaaro siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka,” ayaa lagu yiri qoraalka James Swan.

Ugu dambeyntii, James Swan ayaa ku baaqay isbedel in la sameeyo kahor doorashadda Madaxtinimada ee 22-ka bishan dhacaysa, isagoo ku adkeeyay carabka inay doonayaan doorasho lagu qanci karo, xalaal ah, loona dhan yahay.

Lama oga waxay noqon doonto jawaabta Jubbaland, balse waxaa xusid mudan in qoraalka beesha caalamka lagu soo beegay xilli maanta Kismaayo ay Xildhibaanada ku doorteen gudooonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee maamulan.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM