Beesha Caalamka oo ka warbixisay shirka Afasiyooni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirka lagu waddo in uu Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afasiyooni ee ku dhow xerada Xalane ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay saaxiibada caalamka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan wadahadalkaas xalka loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya una dhaxeeya hogaanka Soomaalida.

"Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka kaqeybgalayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga laga ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021," ayay sheegeen.

Waxay ku dareen: "Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17-kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac".

"Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran," ayay tibaaxeen.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay: "Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17-kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray".

"Waxaan ka codsanaynaa madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay gaaraan xal siyaasadeed nabdoon oo horseeda doorashooyin, ayna sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka u ah danta qaranka Soomaaliyeed iyo dadkiisaba," ayay carabka ku dhufteen.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Saaxiibada caalamku waxay sii wadayaan dadaaladooda ku aaddan isku soo dhoweynta saamilayda Soomaaliyeed. Waxaan mar kale ku celinaynaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka marka la isku af-garto faahfaahintiisa".

Shirkaan oo furmaya Isniinta berri ah ayaa waxaa la rajeynayaan in ay ka qeybgalaan madaxda dowladda federaalka, maamulada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Wali lama shaacin kaalinta musharaxiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM