Beesha Caalamka oo talaabooyin qaadey kadib hadalkii Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib hadalkii maanta kasoo yeeray madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, wakiilada Beesha Caalamka ayaa qaadey talaabooyinka dhanka ammaanka ah, sidda ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo loo qaateen ah kuwaasoo ku dhow dhinacyadda.

Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay guud ahaan Teendhada Afasiyooni halkaasoo loo asteeyay goobta martigelineysa wadaxaajoodyadda xalka loogu goobayo is-mari-waaga ka taagan coddeynta heer federaal ee madaxtinimada iyo baarlamaanka.

Sidda ay caddeynayaan xogaha la helayo, diblumaasiyiinta ayaa ku wargeliyey madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo in uu kasoo qeybgalo shirka isla markaana uu yimaado goobta kulanka ka dhacayo iyaddoo ay kaliya wehliyaan ilaalo dharcad ah kuwaasoo saddex kaliya ah.

"Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa loo sheegay in ay ammaankiisa mas'uul ka yihiin mudada uu goobta ku sugan yahay isla markaana ay galbin doonan," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Talaabooyinka waxaa soo dedejiyay dhawaqii maanta kasoo yeeray Deni kaasoo ku aadanaa in dowladda federaalka ah ay ciidamo ku hareereysan goobta ay ka degeen nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, talaabadaas oo u muuqata mid lagu carqaladeynayo furitaanka shirka.

Shirkaas ayaa qorshuhu yahay in uu furmo Isniinta berri ah, waxaana la filayaa in ay kasoo muuqdaan hogaamiyeyaasha Soomaalida, iyaddoo ajandaha uu yahay xal waara oo laga gaaro kala aragti-duwanaanta jirta.

Dhanka kale, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha Muqdisho ay kasoo dageen diyaarado sidda ciidamo si gaar ah u tababaran oo Mareykan ah kuwaasoo ka qeyb-qaadan doona sugida ammaanka shirkan ka dhacaya Teendhada caanka ah ee Afasiyooni.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo qoraal ku daabacdey barta ay ku leedahay mareegaha Twitter-ka ayaa mar sii horeysay ee Axada maanta ah waxay ku tartarsiisay madaxda Soomaalida in ay kusii negaadaan Muqdisho inta ay heshiis kama dambeys ah ka gaaraan doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM