Beesha Caalamka oo warqad u dirtay Gudiga doorashadda Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobey iyo saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ka digay in doorashadda Jubaland ay u dhacdo qaab daah-furnaan la’aan ah, iyagoo ugu baaqey maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo gudiga doorashooyinka inay hab-raac waafi ah u dejiyaan tartanka doorashada.

Warqad loo diray Gudiga doorashooyinka Jubaland August 8, 2018, ayuu wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey, James Swan ku sheegay in ay su’aallo ka qabaan habka loo maareynayo soo xulista xildhibaanada iyo doorashada Madaxweynaha.

“Sidee Gudiga doorashooyinka u xaqiijin karaa in dhaman musharixiinta si siman uga wada qeybgali karaan tartanta,” ayaa lagu yiri warqadda.

Waxay sheegeen wakiiladda beesha caalamka ayaa ku baaqay doorasho nabdoon, oo xor iyo xalaal ah, sidoo kalena ku saleysan hanraac hufan ay ka dhacdo Jubaland bishan August.

Warqada James Swan ayaa la filayaa inay abuurto dood ku aadan kalsoonida lagu qabo gudiga doorashada Jubaland iyo inay Kismaayo ka dhaco doorasho natiijadeeda lagu wada qanci karo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saartey war qoraal ah oo ay ku sheegtay inaysan aqoonsan doonin natiijada doorashadda Jubaland, hadii aan la raacin nidaamkii ay iyada u dejisay.

Waxay sheegtay Wasaaradda in odayaasha soo xulaya Xildhibaanada cusub inay noqdaan kuwa iyada diiwaan-gelisay, sidoo kalena baarlamaanka la dooranayo looga qaaban yahay markii uu gudoonkiisa doorto kadib inuu dhiso gudi ka shaqeeya qabsoomida doorashada Madaxweynaha Jubaland.

Si kastaba, Jubaland ayaa horey u diiday baaqa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in arrimaha doorashooyinka ay yihiin kuwa u gaar ah maamulkan, oo isaga kaliya go’aamin kara.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Jubaland soo hogaaminayay tan iyo aas-aaskeeda 2013-kii, ayaa hadda kamid ah musharixiinta, isagoo raadinaya in mar 3aad xilka loo doorto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM