Beesha Caalamka oo soo dhaweysay wada xaajoodyada Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibadda Caalamka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wada xaajoodyadda ka socda maamul goboleedka Galmudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaa arrintaasi ayna kuna baaqayaan in halkooda ay kasii socdaan.

"Waan bogaadineynaa wada xaajoodka Galmudug ee lagu mideynayo maamulka, lagu horumarinayo xasiloonida dhinacyadana la isugu keenayo," ayaa lagu yiri.

Dib-u-heshiisiinta oo ay xukuumada federaalka garwadeen ka tahay ayaa u dhaxeeya Galmudug iyo hogaanka Ahlu Sunna.

"[Tani] waxa faa'iido u tahay shacabka Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya," ayaa laga soo xigtay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa ku tartarsiiyey daneeyayaasha in ay sii wadaan taageerada ay u muujinayaan geedi u socodkan.

"Geedi u socodka oo lagu saleeyo dib u heshiisiin loo dhan yahay waxay hor-seedeysaa doorashada madaxweyne xor iyo xalaal ah, kana fog qalalaaso," ayey raaciyeen hadalkooda.

Dalalka war-murtiyeedka ku saxiixan ayaa kala ah; France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Ingiriiska iyo Mareykanka.

Ururada sidoo kale ku jira ayaa kala ah; Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

"Waxaanu mar kale xaqiijineynaa in aan taageereyno Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, xafiiska magaaladda Muqdisho.

Bayaankan ayaa imaanaya iyadda oo ra’iisul wasaare Khayre oo ku sugan degaanada Galmudug uu ka shaqeynayo dhameystirka Galmudug, isla markaana uu soo afjaray khilaafkii kala dhaxeeyay Xaaf.

Sidoo kale warkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo shalay uu hogaamiyaha Galmudug uu magaala madaxda dalka ee Muqdisho kula kulmay xubno ka socda beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM